Maamulka Degmada Balcad oo Dowladda Dhexe u jeediyay eedeymo culus

by admin | Saturday, Nov 17, 2018 | 848 views

Maamulka Degmada Balcad ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in sidii Al Shabaab oo kale ay ula dhaqanto shacabka degan degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug ayaa sheegay in dhibaato xoogan ay ku qabaan dadka degan Degmada Balcad, ciidamda Dowladda ee ku sugan koontaroolka laga soo galo Muqdisho.

Waxa uu sheegay in ciidamada ku sugan Koontaroolka Maslax ay yihiin kuwa celiya gaadiidka ka yimaada degmada Balcad, iyaga oo u sheegay darawalada gaadiidka in aysan gudbi doonin, inta ay ka keenayaan damiin, taa oo uu sheegay in aysan la mid ahayn kuwa ka imaada degmada Afgooye ee Sh/Hoose.

Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug mar uu soo hadal qaaday, ammaanka Magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in aan Muqdisho ammaankeeda laga sugi Karin gudaha.

Waxa uu ku baaqay in ammaanka Muqdisho loo baahan yahay in laga sugo buundooyinka Balcad iyo Afgooye, oo ka kala tirsan Gobllada Sh/Dhexe, iyo Sh/Hoose, taa uu sheegay haddii ay ciidamadu tagaan halkaa ammaanka Muqdisho wax badan uu iska badeli doono.

Like it? Share it!

Leave A Response