Buuq ka taagan xarunta golaha Shacabka

by admin | Saturday, Apr 30, 2022 | 537 views

Buuq ayaa hareeyay Xarunta Golaha Shacabka kadib markii Xildhibaanada laga soo doortay Garbahaareey ay gudaha Xarunta Soo galeen.

Xildhibaanadaan oo aan heysan kaarka aqoonsiga ayaa dood badan ka dhalatay sida ay gudaha u soo galeen.

Waxeyna ku qeylinayaan “ma yeeleyno waa in nala dhaariyaa. Anaga ayaa ah xildhibaanada saxda ah ee Gedo laga soo doortay”

Xaaladda Xarunta Golaha Shacabka ayaa kacsan, waliba ma uusan furmin kulanka xildhibaanada.

Sidoo kale xarunta shacabka waxaa ku sugan Xildhibaanadii laga soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response