laamaha Amniga Dhuusamareeb oo howlgal ku qabtay hub farabadan

by admin | Sunday, May 1, 2022 | 521 views

Ciidamada ammaanka sida Booliiska, Nabadsugida iyo Ciidanka ilaalada madaxtooyada Galmudug ayaa  howlgal ballaaran ka sameeyay Xaafadaha iyo waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen talieyaasha Booliska iyo Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay hub sharci daro ah, qamri & rag cabayay iyo dad kale.

Sidoo kale laamaha Amniga Dhuusamareeb ayaa howlgalka ku qab qabtay dad ay Hay’adaha Amniga la xiriiriyeen ku lug lahaanshaha kooxaha amniga lidiga ku ah.

Saraakiisha Ciidanka ayaa xusey in ujeedkoodu yahay sii xoojinta heeganka joogtada ah ee amaanka lagu sugo, waxa ayna farta ku fiiqeen in ay ka war hayaan kooxaha shacabka ku dhex dhuunta ee doonaya in ay burburiyaan dowladnimada iyo kala dambeynta sharci ee deegaanka ka hir-gashey.

Bishii la soo dhaafay ee snadkan ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay falal amnindareo sida dilal loo geystay Askar katirsan Ciidanka dowladda iyo falal kale oo ay geysteen xoogagga Ahlusunna ee kasoo horjeeda Maamulka Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response