QM oo dalka Mali ku eedaysay xad-gudubyo dhinaca warbaahinta ah

by admin | Sunday, May 1, 2022 | 442 views

Xafiiska Xuquuqda Aadamaha ee QM ayaa ka digay xannibaadaha dhinaca warbaahinta ee dalka Mali, kuwaas oo uu xafiisku ku sheegay in ay muujinyaan dul-qaad la’aanta lagala hortagayo warbaahinta gobolka.

Saraakiisha QM ee dhinaca xuquuqda aadamaha ayaa rajo xumo ka muujiyey go’aanka uu dalka Mali Arbacadii, sida kama dambeysta ah uu ugu joojiyey Radio France Internal and France 24, inay dalkaas ka hawl galaan. Saraakiisha QM ayaa ku boorriyey madaxda militariga ee Mali inay beddelaan go’aankooda joojinta, isla markaana ay warbaahinta u ogolaadaan inay si xor ah uga shaqeyso dalka.

Dawladda Mali ayaa markii hore 16ka bishii March si ku meel-gaar ah u joojisay labadan warbaahinood, iyada oo ku eedaysay in ay faafiyeen warar been ah oo la xiriira sheegasho xad-gudubyo dhinaca xuquuqda aadamaha ah oo ay geysteen militariga Mali iyo calooshood u shaqeystayaal Ruush ah.

Afhayeenka qeybta xuquuqda aadamaha ee QM Ravia Shamdasani ayaa sheegtay in jawiga hadda ka jira Mali ee cabsida ah uu raad xun ku yeelanayo warfidiyeenada iyo dadka boloogars ah.

Like it? Share it!

Leave A Response