Ciidanka DANAB oo la wareegay degaano katirsan Shabeellaha Hoose & Baay

by admin | Sunday, May 1, 2022 | 502 views

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii  la soo dhaafay howlgal qorshaysan oo Amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyey degaano xiriiriya Gobolada Shabeellaha Hoose & Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgalka oo sigaar ah ay u fuliyeen Ciidamada Ururka 4aad ee Guutada  16aad ee DANAB ayaa waxaa ay kula wareegeen degaannada leego iyo Jameeco oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Baay.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa xaqiijinta Amniga, isla markaana ay burburiyeen Goobo ay lacagaha ku qaadi jireen Al-Shabaab, halkaas oo ay la wareegeen Amnieeda.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab degaannada iyo degmooyinka labada Gobol ee Shabeellaha Hoose iyo Baay ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannadaas.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa waxaa ay howlgallo gaar ah ka fuliyeen degaano katirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hayeeshee mararka qaar ay weeraro gaadmo ah kala kulmaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response