Calanka Soomaaliya oo hoos loo dhigay Saddex berri

by admin | Thursday, Mar 11, 2021 | 428 views

Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray dhamaan umada Soomaaliyeed Geerida ku timid Cali Mahdi Maxamed.
Villa Soomaaliya waxay sheegtay in calanka jamhuuriyada hoos loo dhigay Saddex berri.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.
Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.
Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response