Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Cabsi laga qabo dabeyl la sii saadaliyay ayaa ka taagan xeebaha gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland. Dabaylo roob wata ayaa xalay ka bilowday xeebta gacanka Gardafuu ee bariga fog ee Puntland. Dadka degaannada ku teedsan xeebaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa warbaahinta qaar u sheegay in dabaylo iyo roob is-wataa ay ku bilowdeen,balse aysan ilaa iyo hadda wax...

Wafdiga Dowladda Qadar ee soo Gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Dalkaasi. Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa loo galbiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ah ujeedka ugu wayn ee wafdigaan soo gaaray Muqdisho sida Mustaqbal Radio Wararka ay...

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Sh.Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Caqabado is biirsaday ay ku hor gudban yihiin Hormarka Maamulkiisa. Ammaanka ayuu tilmaamay in uu yahay Xaaladda ugu adag ee uu la daalaa-dhacayo Maamulkiisa, maadaama Waddooyin dhowr ah ay xiran yihiin Xarakada Al-Shabaab. Marxalado Siyaasadeed oo isbad-badal watay...

Koox hubeysan ayaa xalay bam gacmeed waxa ay ku weerareen guri ay magaalada Baydhabo ka degan tahay guddoomiyaha ururka haweenjka gobolka Baay oo magaceeda lagu soo koobay Muraayo. Weerarkan oo la sheegay inuu dhacay xalay fiidkii ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof, kuwaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Baydhabo. Haweeneyda la weeraray ayaa...

Ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde waxa ay ku qabteen shabakad ka shaqeysa fal dambiyeedka lacag dhaqida dollarka madow iyo sameynta dollar been abuur ah. NISA qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ayaa waxa ay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen laba ka mid ah raggaasi, islamarkaana...

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan degaanada Puntland ayaa madaxda Puntland ugu baaqay inay gacan ka qeystaan xalinta khilaafka ka dhexjira madaxda Galmudug. Wuxuu sheegay inay muhiim tahay madaxda Puntland inay gacan iyo talo u fidiyaan madaxda khilaafka ka dhexjira ee...

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax ciidamo ka tirsan kuwa Jabtuuti lagula eegtay meel ku dhow deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 35-Km dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Buula-burde. Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxu uu qeybta hore ka burburiyay gaari gaashaaman oo ay ku xirnaayeen qalabka miinooyinka baara. Dhinaca kale qarax jugtiisa laga...

Saraakiil sare oo katirsan Turkiga ayaa laga soo xigtay in Amarkii lagu dilay Wariye Jamal Khashoggi uu ahaa mid ka yimid Madaxda Sare ee Sacuudiga. Dadka dilkaas geystay ayaa heystay Amar sare oo dhanka Boqortooyada ah sida Baaris hordhac ah oo laga helay Saraakiisha Ammaanka. Turkiga ayaa Talaadadii soo bandhigay Muuqaal ay qabteen Kaamirooyinka Qarsoon, oo Caddeynayay...

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay is casilaad kedis ahayd oo ay u soo gudbisay wakiilkii dalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley. Trump ayaa u sheegay weriyaasha in Mrs Haley ay booska baneyn doonto dhamaadka sanadkan kadib markii ay howl wanaagsan soo qabatay. Haley oo ah 46 jir hore u soo noqotay guddoomiyaha gobolka South Carolina ayaa ka mid...