Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa ka mamnuucay in Magaalada Garoowe Caasimadda Puntland hubka lagu dhex-qaato xilli Musharaxiin badan ay hub la galeen Magaalada Maalmihii lasoo dhaafay. Guddiga waxa ay sidoo kale ku dhawaaqeen in gaadiidka dagaal laga mamnuucay in ay soo galaan Magaalada. Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si weyn loo adkeeyay maalmihii lasoo dhaafay xilli...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qeyb galay Shirkii Afaraad ee Biyaha dowladaha Islaamka. Shirkan oo furmay shalay ayaa socon doono muddo seddex cisho ah 14-16 Waxaana goobjoog ka ah dhammaan dowladdaha Islaamka Wasiiradooda Tamarta iyo...

Maamulka gobalka hiiraan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka gaabiyeen xuquuqda ciidanka Booliska. Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyaha gobalkaas ayaa xusay in boqolaal askari oo Booliis ah mushaar laga siiyo oo kaliya 60 askari. Sidoo kale, Dabageed ayaa sheegay in dowladda ay mashquul ku tahay gobollo kale oo uu sheegay in dowladda carqaladeeyaan,...

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada xoogga Dalka Kenya ee kaliya ka baxayaan soomaaliya marka laga adkaado Alshabaab sidoo kalena lasoo celiyo xasiloonida Dalka. Maalintii axadda ayuu sheegay Kenyaata in Ciidanka Kenya ee (KDF) in ay sii wadi doonaan joogitaankooda Gudaha Soomaaliya iyaga oo ku hoos shaqeenaya Howgalka Midowga afrika ee Soomaaliya...

Guddoonka Golaha Aqalka sare iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha ayaa si wadajir ah xarunta Golaha Aqalka sare ugu qaabilay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayey agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta Midowga Yurub Mr Stefano Manservisi. Kullanka oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa looga hadlay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabeelle. Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socotay magaalada Jowhar labadii maalmood ee la soo dhaafay. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu dhagax dhigo mashaariic laga hirgelinayo magaalada,...

Laba gabdhood oo Soomaaliyeed oo la la’aa ilaa habeenkii Jimcaha ee Sabtida ay soo galeysay ayaa xalay meydadkooda waxaa laga helay Haro ku taalla duleedka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Geerida gabdhahan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii gaari ay wateen uu ka dhacay Haro ku taalla duleedka magaalada Minneapolis, iyada oo si deg deg ah aysan u helin...

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) ayaa xalay ku hoyday magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii shalay safar uu ku gaaray halkaasi. Madaxweynaha ayaa xalay kulamo xog wareysi iyo dhiiragelin la qaatay maamulka gobolka gaar ahaan kuwa degmada u qaabilsan iyo odayaasha dhaqanka, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta degmadaasi. Ujeedka...

Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa taleefoon kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay uga wada arrinsadaan baaritaan wada jir ah oo lagu sameeyo arrinta weriye caan ah oo u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay. Weriyahaasi oo lagu magacaabi jiray Jamaal Khashoggi ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay gudaha qunsuliyadda Sucuudigu...

Ururka Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday degaanka Deynuunaay, oo qiyaastii 26-KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Shabaabka ayaa dhanka Koonfureed ka galay deegaanka Deynuunay, iyagoona iska cabin kala kulmay ciidamada dowladda Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Deynuunay laga galo. Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka...