Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wargeyska The Observer ee kasoo baxa  ayaa qoray in gudoomiye ku xigeenka dalka Uganda ayaa u yeeray Wasiirka difaaca dalkaas si wax looga weydiiyo askartii dhawaan lagu dilay gobolka Sh/hoose. Wararku waxay sheegay in ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Uganda Jaakob Awlaanyah uu u yeeray wasiirka difaaca wadankaas Adolf Mwesige waxana wax laga weydiinaya tirada rasmiga...

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ee W/Galbeed ee Somalia, Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka AP, wuxuuna rajo ka muujiyey Heshiiska ay Dowladda Imaaraadka Carabta Saldhigga Milliteri kaga dhisanayaan Dekedda Berbera ee kaabiga ku haysa Gacanka Baabul-mandab. Muuse Biixi waxa uu difaacay Heshiiskaasi, isagoo tilmaamay inay...

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kulamana la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka ayaa waxa uu faah faahiyay Howlgalka ka socda Gobolka Hiiraan. Waxa uu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ku sugan Magaalada Muqdisho in ay dhaqaale ku bixinayaan sidii lugaha loo qaban lahaa Howlgalka...

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka  Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ka hadlay dhacdadii shalay ee xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay inuu baaqdo kulankii Baarlamaanka. Wuxuu sheegay markii hore in balanka uu ahaa inaanay ciidan gelin gudaha xarunta Golaha Shacabka, balse ay galeen shalay xarunta Ciidan hubeysan oo aanan la ogeyn. Taliska Ciidanka Xoogga dalka...

Madaxweyne maamulka hirshabeele    oo kusugan  magaalada baladweyne  ayaa waxaa uu sheegay  in dadka  ku nool magalad baladweyne  qaarkood ay diidnyihiin  hormarka  gobolka  hiiraan waxaa uu sheegay in ay jiran dad ku bixiyo lacaga badan  si loo abuuro is qabqabsi  iyo amni xumo . hadalkan ayaa waxaa uu imanaa iyadoo magaalada  baladweyne   iyo  jowhar  ay...

Ugu yaraan 3 qof ayaa geeriyootay halka ay 15 kalena ku dhaawacmeen kaddib markii shalay gelinkii dambe ay magaalada Kismaayo ka dhaceen saddex shil Gaadiid. Shilalka ayaa waxaa ay ka dhaceen Waddada isku xirta Magaaalada Kismaayo iyo Garoonka Diyaaradaha magaaladaas,waxaana dhimashada ay gaareysaa ilaa saddex qof. Gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa dadka ku dhaawacmay...

Alla ha u naxariisto Fanaanadda caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac oo fanka ku jirtay nusqarni kana mid ahayd foolaadka fanka iyo dhaqanka umadda Soomaaliyeed, ayaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa. Marxuumad Sahra Axmed waxay maalmihii u dambaysay ku xanuunsanaysay cisbitaalka magaaladda Hargeysa, iyadoo xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayey, haseyeeshee waxa maanta...

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay muddo kordhin lagu sameeyay xaaladda deg degga ah ee uu mareykanka saaray Soomaaliya sanadkii 2010kii. Arrintan waxaa ay la xiriirtaa walaaca Mareykanka ee Argagixisada iyo Burcad Badeedda,waxaana xaaladda ay Soomaaliya ku jirto Mareykanka uga diiwanageshan tahay deg deg taas oo dhaceysay Bisha May ee soo socota. Madaxweyne...

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda maamulka Degmada Dayniil ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay ka badbaaday isku day dil kaddib markii Gaari uu watay uu qarax ku qabsaday Isygoyska Sanco ee Magaalada Muqdisho. Axmed Nuur Adeeroow ayaa u sheegay warbaahinta  in weerarka uu dhacay xilli Gaari uu watay uu marayay Isoyska Sanco ee Magaalada Muqdisho. Waxaa uu sheegay...

wararka naga soo garaya  magaalada  baladweyne ee xarunta  gobolka hiiraan  aya sheegaya in bamgacmeed lagu tuuray guri ay daganaayeen dad shacab ah  oo ku yaala   xaafada-howl wadaag  ee magaalada baladweyne. qarax  ka dib  ciidamada dowlada soomaaliya ayaa gaaray  goobta waxaana ay  baaritaano ka sameeyeen   xaafada-howl wadaag  ee   magaalada  baladweyne...