Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Waxaa uu dhul-gariir ka dhacay dhulka Reer Falastiin, sida ay baahisay Wakaallada Wararka Falastiin ee WAFA. Dhul-gariirka oo Halbeegiisu ahaa 3.7 ilaa 4 waxaa laga dareemay dhowr Gobal oo ka tirsan Dhulka Falastiin ee Daanta Galbeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ramallah, Beyra, Nablus iyo Quddusta la haysto. Xarunta Dhul-gariirka ee Jaamacadda Al-Najaax ( ee ku taalla...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka faca-weyn ee dalka Soomaaliya uu la leeyahay Talyaaniga. Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Madaxda dalka Talyaaniga ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Mudane Sergio Mattarella...

Waxaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah uu dagaal ka socdaa Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamada Somaliland oo doonaya inay galaan gudaha Magaalada Laas-Caanood iyo dadka degaanka oo hubeysan oo u diidaya, waxaana siweyn Maanta magaalada Laas-Caanood looga maqlayaa dhawaqa...

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay Sharciga Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada. Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA. Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad...

Taliyaha ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir oo ka qeyb-galay kulan looga hadlayay wax ka qabashada askarta dilalka u geysata shacabka, ayaa markii u horeysay shaaciyay go’aan cusub oo la xiriira arrintaan kusoo badatay magaalada Muqdisho. Taliye Mahdi Cumar ayaa waxa uu sheegay in hadda kadib askarigii qof shacab ah dila ee baxsada loo maxkamadeyn doono...

Ciidanka Booliska qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa Xalay toogtay nin la sheegay inuu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Toogashada ayaa timid sida la sheegay kadib markii isaga iyo labo nin oo kale ay weerar ku qaadeen Bar-control oo ciidan ka tirsan booliska ay ku leeyihiin degmada Heliwaa, gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha. Dableyda hubaysan ee sida la sheegay...

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa soo saaray amar lagu  hakinaayo duulimaadyada diyaaradaha sida maalin laha ah uga dagi jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne. War qoraal oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in hakinta...

Waxaa sare u kacay khasaaraha dhimashada ee dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay qaybo ka mida dalalka Turkiga iyo Syria, subaxnimadii hore ee Isniintii, dhulgariirkaas oo cabbirkiisu gaadhayey illaa 7.8. Wararka ugu dambeeyey ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay haatan kor u dhaaftay illaa 3,400 oo qof, halka la aaminsan yahay in boqollaal qof oo kale, inay ku hoos xanniban...

Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka Saaka ka qarxay Magaalada Laascaanood uu yahay mid lagu soo qaaday fariisimo ay Ciidamadeedu ku leeyihiin Laascaanood. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu faah faahiyay dagaalkaasi ka socda Laascaanood. HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEDKA KASOO BAXAY SOMALILAND: Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya. Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Mete Yagli,...