Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegatay markii xilka loo dhiibay guddoomiye Yariisow ayaa weeraray siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta uu ugu yeeray kuwa xanaaqsan inay dafiraan waxqabadka xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, isaga...

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Daljirka Daahsoon & Inta u dhaxeysa Xaruntii hore ee Baarlamaanka. Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ka agdhow xarunta Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta Qaraxu...

Hay’adda Transparency International, ayaa soo saartay warbixinteeda sanad laha ah ee looga hadlo waxyeellada musuqa. Sanadkan waxaa ay Hay’adda sahan ku sameysay 180 dal oo Caalamka oo dhan ku yaalla, waxaana loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuqa iyo kuwo ka guuleystay. Dalalka ka guuleystay waxaa safka hore ka galay Denmark, iyo New Zealand, kuwaas oo keensaday...

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay ka shaqeeyeen sidii maxaabiis ay isku dhaafsan lahaayeen Al shabaab iyo maamulka Hiiraan.   Al Shabaab ayaa gacanta ku hayay askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo ay shirqooleen dad uu khilaaf kala dhaxeeyay, xili uu ku sugnaa magaalada...

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan musaanabadii xalay ka dhacay magaalada Garowe iyo in siyaasiyiinta Soomaalida is-cafiyaan, isaga oo sheegay in cafiska ay wax ka horreeyaan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan: Xaley munaasabaddii caleema-saarka waxey aheyd gogol si wanaagsan...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad  lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada,...

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhabo ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM Kuwaasoo  ku sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Ciidankaan ayaa waday gaadiid ay leeyihiin Ciidanka AMISOM, waxaana uu weerar ku qabsaday degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha...

Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay habeenimadii xalay heshiis ogolaanaya in dib loo furo hawlihii shaqo ee dawladda maraykanka oo hakad ku jiray. Madaxweynaha ayaa ogolaaday in si ku meel-gaar ah, muddo saddex todobaad ah dib loo furo shaqadii dowladda. Talaabadan ayaa fursad u siinaysa shaqaalaha dowladda ee uu hakadku saameeyay inay dib u helaan mushaharkoodii. Labada...

Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Hirshabeele Cabdiqaadir Aadan Jeelle oo la hadlayay ciidamo Booliis ah oo uu tabar uga socdo magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin ciidamadii ugu horeeyay oo booliis ah ee uu yeesho maamulka Hirshabeele. Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaan ay tiradoodu gareeyso kudhawaad 200 oo askari dhawaana loosoo gabagabeynayo...