Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Koox hubeysan ayaa waxa ay goor dhaw oo maanta ah ku dileen gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawada Gudoomiye laameed ka tirsan Waaxda Xaawo Taako ee Degmada Howlwadaag. Gudoomiye laameedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Shiiqaal) waxaana dableyda dishay ay risaas kaga fureen qeybta sare ee jirkiisa taasi oo uu u geeriyooday. Waxa...

Richard Mason oo ah 54 jir meel fiican ka gaaray ganacsiga, isla markaana wax ka asaasay barta internet-ka ee MoneySupermarket.com, ayaa sheegay in markii dhakhtarku warkaa u sheegay uu dareemay sida qof dubbo lala dhacay. Balse arinta ugu naxdinta badneyd ayaa ahayd in saddexda canug ee ay u haysay xaaskiisii hore ee Kate, aanu isagu dhalin. “Dhakhtarka ayaa ii sheegay...

Saakay aroortii hoe ayaa rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaareen saldhig Ciidamada Dowladda Soomalaiya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa  waxaa uu ku billowday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray, waxaana xigay dagaal toos ah oo Dagaalameyaal Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Ciidankii...

Saraakiisha ammaanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa warbaahinta la wadaagay heybta nin u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dhismo afar dabaq ah oo uu iska soo tuuray, waxa ayna sheegeen in uu ninkaasi uu ahaa Soomaali hase ahaatee ka shaqeysan jiray dalkaasi Sacuudiga. Booliska ayaa sheegay in meydka ninkaan Soomaaliga ah ay arkeyn muwaadiniin u dhashay Sacuudiga deetana ay...

Wasiirka ku-xigeenka Wasaarradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ku dhawaad 100 oo rayid ah ka qaafasheen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool. Wasiirka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dadka la qafaashay u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah oo sida uu hadalka u dhigay iska diiday wax ay ugu yeereen Shabaab-ka...

Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday dhismaha Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Booliska  wali wadda baaritaano dheeraad ah ayaa shaaciyay qeybo ka mid ah magacyadda raggii fuliyay weerarka iyo waliba sidda ay Shabaab ugu biireen, waxaana ku jira wiil uu dhalay Sarkaal...

Badanaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ma hadlo, caadiyan aad ayey bulshada Soomaaliyeed u naawilaan in uu hadlo ama uu wax ka yiraahdo dhacdooyinka aan dhammaan ee dalka ka dhaca. Bulshada iskuma jirto, qaar ayaa aad u daneeya in uu hadlo halka kuwo kale ay ugu baxdo ama bogaadinaya afgaabnida Madaxweynaha. Hase ahaatee, waxaan lagu murmin ama la’isla ogol...

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa weerar afka ah ku qaaday Sheikh Kenyaawi oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa oo ka ilmeeyey hadalo siyaasiyiin qaar ay sheegeen oo ahaa inuu lacag ku qaadanayo wacdinta uu beri ka sameynayo Muqdisho. Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan:- AADANAHU WAXA UU OOYAA marka dareenkiisa ay xaalad farxadeed ama murogo lasoo gudboonaato....

Hay’addaha Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen 9 qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalada Nairobi Habeenkii Arbacada ayay booliska sheegeen in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka oo ay ku dhinteen 21 qof. Si katsaba, Ha’yadda laanqeyrta cas waxay sheegtay in 14 qof ay weli...

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo qaban qaabada munaasabaddan aad looga dareemayo magaaladaasi. Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in la caleemo saaro madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku sugan magaalada Baydhabo. Ammaanka...