Ciidamada Ammaanka oo howlgal ku qabtey waaxyaabaha qarxa{sawiro}

by admin | Thursday, Mar 19, 2020 | 492 views

Howlgal ay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ka sameyeen Ciidamada Ammanaka ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Jaakad qaraxyo ah oo lagu qarinayey meel kamid ah Koonfurt Magaaladaas.

Saraakiil ka tirsan booliska Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in jaakadaan lagu qarinayey Guri ku yaalla Magaalada Gaalkacyo oo uu leeyahay Nin Ganacsade ah xogtaasina ay heleen,hayeeshee saacadaha soo socda ay faah faahin doonaan.

Howlgalka ayaa waxaa siwadajir ah u fuliyey Ciidamada qeybta 21aad iyo kuwa booliska Galmudug,hayeeshee saraakiisha hoggaamineysay aysan sheegin Magaca Ninka Ganacsadaha ah leh guriga laga soo qaadey Jaakada qaraxa ku xirnaa.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid meelaha fofog laga hago,balse aan weli la sheegin inay jiraan dad lala soo qabtey qaraxaas,hayeeshee Boolisku ay sheegeen inay faah faahin doonaan.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa horay dhowr jeer uga dhacay weeraro qaarxyo ah,kuwaas oo lagu diley dad isugu jirey mas’uuliyin,skar iyo Shacab.

  

Like it? Share it!

Leave A Response