Ciidamada Booliska oo howlgallo ka wada Jowhar, kaddib qaraxii shalay

by admin | Sunday, Apr 5, 2020 | 481 views

Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa xalay illaa saaka howlgallo baaritaano ka wada gudaha magaalada Jowhar, kaddib qaraxii shalay ka dhacay magaalada.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa goobta uu ka dhacay ay aheyd meel caan ah oo dadka ay isugu yimaadaan, ahna boosteejada laga raaco gaadiidka aada Muqdisho, waxaana qaraxa ku dhintay hal qof, halka shan kale oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle uu ku dhaawacmay.

Howlgalka Ciidamada ka wadaan magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaas, waxaana howlgalka laga sameeyay xaafadaha u dhow halka uu qaraxa ka dhacay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan qaraxii shalay, waxaana qaraxa ka dhacay magaalada ku soo aaday, iyadoo Madaxda ugu sareysa Hirshabeelle ku sugan yihiin Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa aheyd goob amnigeeda wanaagsanaa, waxaana dhif iyo naadir ahaa falalka amni darro oo ka dhaca magaalada.

Like it? Share it!

Leave A Response