Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Deg deg: Dagaal ka socda deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

by admin | Sunday, Apr 5, 2020 | 507 views

 Dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Bali-Cad oo ku yaalla inta u dhaxeeysa Dhabad iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu salka ku haayao is qabqabsi la xiriira dhinaca dhulalka,kaas oo ahaa mid horey dhowr jeer deegaankaasi uga dhacay.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in weli deegaanka BALI-cad uu dagalka ka socda,isla markaana inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen laba ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Galmudug weli kama hadlin dagaalka ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud,waxaana dagaalkaan uu kusoo aadayaa xilli dagaal beeleedyo kale ay ka socdeen duleedka Kismaayo & degmada Walanweyn ee Gobobolka Shabeellaha Hoose.

laso wixii soo kordho:
Like it? Share it!

Leave A Response