Ciidamada DFS oo looga digay hubka ay ku dhex heystaan Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

by admin | Tuesday, Aug 22, 2023 | 143 views

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta Dowlad-Goboleedka Galmudug, Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa ciidamada Xoogga uga digay in ay ridaan xabbado bilaa micno ah iyo in ay hubka ku qaataan gudaha Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

G/Dhexe Cabdullaahi Abuukar waxa uu guutada Cumar Bin Khadaab uga digay in ciidamada gacanta ku haya Magaalada Ceeldheer in hubka ay ku dhex qaataan Shacabka taasi oo muujineysa in ay aanay Amni ahayn oo sawir muujinaya amni darro ay ka qaadanayaan dadka taga waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada ammaanka Degmada Ceeldheer ayuu usoo jeediyay in keliya ay hubka heystaan halka ciidanka kale looga baahan yahay in ay hubkooda la dhex joogaan xeryahooda si muuqaal wanaagsan looga qaato heerka amniga uu gaarsiisan yahay.

“Magaalaa inta ku taalla adinkii idinku jiiftaa iyo ciidanka kale ee kumaandooska Gorgor, hal xabo ayaan idinka rabnaa Magaaladaan yaan qoryaha lala gelin, haddii qoryuhu magaalada ka buuxaan qof kasta oo soo gasha waxa ay leedahay Magaalada Amni ma ahan” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta DG Galmudug G/Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan.

Waxa uu dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan uu sheegay in kiis dhawaan ka dhacay xero ciidan oo ah in Askari katirsan Dowladda lagu dhex dilay is xeradaas.

Like it? Share it!

Leave A Response