Ciidamada Galmudug oo qabtay Nin doonayay in uu is qarxiyo

by admin | Thursday, May 23, 2019 | 686 views

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay Maanta ka hortageen,isla markaana ay fashiliyeen Nin isku-soo xiray waxyaabaha qarxa kaas oo doonayay in uu isiu qarxiyo goob ay ku sugnaayeen Madax ka tirsan Maamulkaas oo ku taalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Munaasabad loogu baroor diiqayay askartii ku geeriyootay dagaal ay Ahlusunna Galgaduud kula gashay Al-Shabaab ayaa saraakiil ka tirsan Galmudug sheegeen in lagu arkay Nin watay jaakad iyo waxyaabaha qarxa,hayeeshee laga hortegay,kadibna ay Ciidamada qaraxa ka fureen.

Like it? Share it!

Leave A Response