Ciidamada Soomaaliland oo Gacanta ku dhigay Nin dil geystay

by admin | Monday, Jul 13, 2020 | 433 views

Howlgal la sheegay inay sameeyeen Ciidamada Soomaaliland ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen Nin dhawaan dil ka gaystay Deegaanka fadhi-Gaab oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Ninla ay Ciidamada Soomaaliland soo qabteen ayaa dil u geystay Nin kale xilli ay dhawaan jirtay xiisad colaadeed oo u dhaxeysay laba beelood,waxaana laga soo qabtay deegaanka Dowl-dowl, iyada oo lagu xiray Xabsiga Ceel-Afweyn.

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan soomaaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen deegaano hoostaga degmada Ceel-Afweyn, iyaga oo baadi-goob ku hayay dad dilal aanooyin qabiil la xiriira geystay.

Dhinaca kale degmada Ceel-Afweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ka socda qaban qaabada shirar la doonayo in lagu soo afjaro colaad u dhaxeysa laba beelood oo sanadihii la soo dhaafay halkaasi ka taagneyd.

Like it? Share it!

Leave A Response