Ciidamo hubeysan oo la wareegay xaafado ka tirsan Beledweyne

by admin | Tuesday, Jan 25, 2022 | 431 views

Ciidamo farabadan oo ka amar qaata Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu arkay waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne.

Ciidamada oo qaarkood wata Gaadiidka dagaalka iyo Hubka cul culus kana kasoo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu tago Beledweyne ayaa lagu arkay laga soo bilaabi Xaafada Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiishta ee Magaalada Bedweyne.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle oo ku sugnaa Xaafadaha Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiishta ay isaga baxeen, kuwaas oo ilaa xalay halkaasi ku sugnaa, waxaana Magaalada Beledweyne saacadihii la soo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Sarkaalka lagu Magacaabo Nuur Dheere,isla markaana hoggaaminaya Ciidamada ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uusan ka Shaqeyn doonin Magaalada Beledweyne ayna jiri karin cid keeni karta.

Waxaa uu sheegay in dad been u sheegaayo Cali Guudlaawe ay joogaan Magaalada  Beledweyne balse aan keeni karin, wuxuuna sicad u sheegay in rabitaanka Shacabka Beledweyne kaliya uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle ,halkaasi ku tegi karo.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadka taageersan Sarkaalka kana soo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegeen in hadii Janeraal Xuud uu ka tegay Beledweyne ay iyaga joogaan marmabana ogolaan doonin in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu yimaado. Beledweyne.

Dhaq dhaqaaqyada Ciidan iyo xiisadda dagaal ee ka taagan Magaalada Beledweyne ayaa ka dambeeysay kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ku wajahan yahay Magaalada Beledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response