Soomaaliya & Norway oo ka wada hadlay Arrimaha Amniga & diblomaasiyadda

by admin | Wednesday, Jan 26, 2022 | 401 views

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Marwo Anniken Huitfeldt.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, horumarinta iyo guud ahaan arrimaha muhiimka u ah danaha labada Dal.

Sidoo kale, waxaa wada hadalka diirradda lagu saaray arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah ee labada Dowladood. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Norway taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay waday dadaalo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka dibadda, waxaana lagu guuleystay in la soo celiyo xiriirkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Like it? Share it!

Leave A Response