Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaad dagaalamay

by admin | Sunday, Jan 10, 2021 | 399 views

Wararka naga soo gaaraya Miyiga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari halkaas oo ay shalay ku dagaallameen laba beelood ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka la la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Puntland.
Ciidamada ayaa la kala dhex-dhigay maleeshiyaadka dagaalamay, iyaga o fariisimo ka sameystay halka lagu dagaalamay,waxaana Maanta halkaasi laga dareemayaa xaalad deganaansho ah.

Saraakiisha Sar sare ee ciidamada Puntland ayaa ku amray Saraakiisha Ciidanka hoggaamineysa inay dhaqan geliyaan xabad joojin, isla markaana ay xaqiijinaaan amniga goobihii lagu dagaalamay.
Dhinaca kale Odayaasha Dhaqanka Gobolka B ari ayaa waxaa ay wadaan dadaalo dib u heshiisiin ah oo ay ku doonayaan in xal looga gaaro colaad beeleedyada kusoo laab laabtay degaannada Miyiga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.
Inta la xaqiijiyay dagaalka ka dhacay miyiga Isku-shuban ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku geeriyootay ku dhawaad 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, waxaana saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay.

Like it? Share it!

Leave A Response