Ciidamo loogu tallo galay wajiga labaad howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la soo bandhigay

by admin | Friday, Jan 27, 2023 | 278 views

Waxaa lagu wadaa wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ururka Al-S habaab uu ka billoowdo degaannada Koofur galbeed Soomaaliya, iyada oo qaar ka mida ciiidamadii ka qeyb qaadan lahaa dagaalka lagu diiriyay gobolka bay.

Boqolaal ka mid ah ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwo ka tirsan ciidamada mamulka koofur galbeed ayaa laga soo bandhigay degaanka goof gaduud buurey, waxaana saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ay sheegeen in ciidamadan loo diyaariyay in ka qeyb qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka bilaabanaya degaannada koofur galbeed.

Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xooga dalka janaraal Maxamed Cadow Cali (Sanka) ayaa sheegay in ciidamadan looga bahan yahay in ay iska difaacan cadawga gudaha iyo kan dibada una diyaar garoban dagalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wajigii koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa hora uga billaawday degaannada dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Galmudug, iyada oo Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay la waregeen degaanno dhowr ah.

Like it? Share it!

Leave A Response