Lataliyaha Amniga Qaranka MW JFS Xuseen Macalin: “DFS waxa ay soo dhoweyneysaa in madaxa laga guro Kooxaha Argagixisada gaar ahaan hoggaankooda”.

by admin | Friday, Jan 27, 2023 | 281 views

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha JFS Xuseen Macalin Maxamuud Sheekh Cali ayaa ka hadlay howlgal Mareykanka uu ku dilay Bilaal Al-Suudaan oo katirsan Saraakiisha Daacish qaybta Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Buuraha Cal-miskaad ee DG Puntland, war kasoo baxay Washington ayaa lagu xaqiijiyay in la dilay Bilaal oo xubin firfircoon ah iskuna xirayay Daacish qaybaheeda kala duwan.

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha JFS Xuseen Macalin Maxamuud Sheekh Cali ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in la beegsado saraakiisha katirsan ‘AS’ iyo Daacish.

Sababta ayuu ku sheegay in ay beegsadaan Shacabka & Dadka indhaha u ah Bulshada, sidaas oo kalena ay dagaal geliyaan Dhalinyarada Soomaaliyeed sidaas awgeed Dowladdu ay usoo dhoweyneyso in la bartilmaameedsado.

Awoodda Daacish ayuu Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha JFS, Xuseen Macalin ku sheegay in aanay buurneen balse mar weliba khatartoodu soo weynaan kartay oo laga hortagayo waa sida uu hadalka u dhigay.

“Wax faah-faahin badan ah lagama hayo balse ka Dowladda Soomaaliyeed waa arrin aan aad usoo dhoweyneyno in kooxaha Argagixisada ah gaar ahaan hoggaankooda madaxa laga guro, runtii dhalinyarta badku ku shidayaan, Dabcan Daacish soomaaliya awood ahan kuma xoog badna Laakiin waa koox marweliba khatartooda soo weynaan kartay” Lataliyaha Amniga Qaranka MW JFS Xuseen Macalin Maxamuud Sheekh Cali.

Saldhigyada ugu weyn ee Daacish waa dhulka buuraleyda ah ee DG Puntland, waxaa halkaas ku sugan madaxda ugu sarreysa ee Kooxdaan sida ay sheegeen saraakiisha sirdoonka Dowlad-Goboleedkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response