Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay

by admin | Monday, May 17, 2021 | 320 views

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka oo saraakiisha hoggamineysay ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ayaa Ciidamada DANAB waxaa ay ka sameeyeen degaanka yaaq bariweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku galayeen Guryaha, iyaga oo baaritano ku sameeynayay, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada DANAB ay Warbaahinta dowladda u sheegeen in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii degaankaas lagu arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha ma sheegin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalka, hayeeshee ay sheegeen inay sii socon doonaan howlgallada ilaa degaanka yaaq Bariweyne iyo degaannada ku dhow dhow laga saarayo Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response