Ciidanka NISA Jubbaland oo howlgal ku qabtay Xubno Shabaab ah

by admin | Monday, Oct 18, 2021 | 465 views

Ciidanka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka wadaan gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu baadigoobayo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
War kasoo baxay Ciidanka NISA Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgallada laga sameeyay dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah Al-Shabaab halka kuwa kale lagu raadjoogo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay bulshada la wadaagi doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen.
” Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay NISA Jubbaland.
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa dhawaan waxaa ka dhacay liddi ku ah amniga, waxaana taasi ay keentay in Ciidanka NISA ay howlgallo billaabaan.

Like it? Share it!

Leave A Response