Arrinta Jeneraal Sheegow oo sii laba kacleysay – Maxaa soo kordhay?

by admin | Monday, Aug 21, 2023 | 138 views

Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya falcelinta ka dhalatay xarigga loo geystay Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo maalin kahor ciidamada dowladda ay kasoo xireen xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley, kadib dagaa qaraar oo ka dhacay halkaasi, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac,

Arrintaan ayaa sidoo kale keentay carro xoogan iyo kacdoon banaanbaxyo ah oo ay sameynayaan dadka kasoo jeeda beesha uu ka dhashay.

Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ahaa baarlamaankii hore ee dalka ayaa u sheegay Somali Cable in dhibaatada taagan ay ka dhalatay qaabka xun ee loola dhamqay Sheegow.

Siyaasigan ayaa tilmaamay in lagu xadgubay Jeneraalka oo uu tilmaamay inuu usoo halgamay dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrintaas waa khalad, waana xadgudub lagu sameeyay shaqsi Soomaali ah oo muwaadin oo waddanka usoo halgamay oo Jeneraal ah, marka aad iyo aad ayaan uga xumahay aniga waa dhaliilayaa tallaabadaasi” ayuu yiri xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhaqtar.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka loola dhaqmay marka lasoo xirayay Jeneraalka, isaga oo sheegay inay dhacday arrin nasiib darro ah.

“In loola dhaqmo si fool xumo ah korkiisa lagu qayliyo oo kuleetiga la qabto, isaga oo dhaawac ah waa nasiib darro aad xun waayay” ayuu mar kale yiri siyaasigu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay habooneed in la qadariyo, isla-markaana si wanaagsan loola macaalmilo, maadaama uu yahay nin soo shaqeeyay.

“In si wanaagsan loola xaajoodu ayay aheyd in la qaddariyo ayay aheyd waxa uu usoo dagaalamayay waddankan difaaciddiisa ayay aheyd arrintaas aniga waa kasoo horjeedaa raallina kama ihi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay siyaasiga caanka ah Idiris Dhaqtar.

Maamulka gobolka Banaadir oo dhankiisa ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Jeneraalka dartii loo dibadbaxayay uusan ku jirin gacan cadow, ee dowladiisa u xiran yahay uuna helayo wixii cadaaladda u goyso.

“Muwaadinka sababtiisa banaanbaxa loo sameynayay gacanta dowladda ayuu ku jira, gacan cadow kuma jiro oo dowladdana waxay siineysa xuquuqda uu leeyahay, wuxuu sharciga ka helo ayuu helayaa.” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Madaale.

Like it? Share it!

Leave A Response