Dad ku dhintay Shil Gaar oo ka dhacay Gobolka Nugaal

by admin | Friday, Jan 28, 2022 | 379 views

Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Tuulada Libaaxe iyo maqaaxida Salaama ee Gobolka Nugaal Puntland.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari nooca xamuulka qaado ah, kaas oo siday Agab kala duwan oo uu ka keenay Magaalada Boosaaso kuna wajahnaa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Shilka ay ku dhinteen lix Ruux Saddex kalena ay ku dhaawaceen, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka  weyn ee Magaalada Garoowe.

Ciidamo katirsan kuwa Nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada iyo dadweyne kale ayaa gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay shilkaas.

Wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay Shilal Gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana walaac ka muujiyay Gaadiidleyda ku safra wadadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response