Waare oo sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Ciidamada uu tababaray Turkiga

by admin | Friday, Jan 28, 2022 | 451 views

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay Ciidamada ay dowladda Soomaaliya maalin ka hor geysay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo hadal heyn badan dhaliyay.

Madaxweyne Waare oo la hadlayay Tv-ga Universal ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Haramcad iyo Gorgor ay dhowr jeer ka qeyb galeen dagaalo uu dano gaar ah ku wato Farmaajo  isla markaana hadii Beledweyne ay tacadi ka geystaan uga dacwoon doonaan dowladda Turkiga.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare in dowladda Turkiga looga baahan yahay inay dib u eegis ku sameeyso Ciidamada ka leexday ujeedkii loo tababaray ee ahaa la dagaalanka Al-Shabaab.

Warkaan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare xilli Golaha Wasiirada Soomaaliya shalay ay dalbadeen in si deg deg ah Ciidamada la geeyay looga soo celiyo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Like it? Share it!

Leave A Response