Yuusuf Dabageed” Ciidamada waa inay sii joogaan Beledweyne”

by admin | Friday, Jan 28, 2022 | 371 views

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ciidamada loo baahanyahay in ay sii joogaan gobolka Hiiraan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen ismariwaa ku aadan imaanshaha Madaxweynaha maamulkaasi ee Ali Guudlaawe.

Kulan shalay ay yeesheen Golaha waziirada ayay oga hadleen ciidanka dhawaan la geeyey magaalada Baladweyne oo ay dowladdu sheegtay in ay aysan waxba kala socon, waxaana uu golahu amray in taliyeyaasha ay ciidanka kusoo celiyaan furimahooda oo laga soo saaro magaalada Baladweyne.

Balse madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa mar uu waraysi siiyey BBC da waxaa uu sheegay in ciidanka ay u baahanyihiin waxaana uu yiri

”ciidamada waxaan u arkaa wax loo baahnaa oo dawladda Hirshabelle ay u baahneed oo cadowga Soomaaliyeed iyo cadowga Hirshabelle ay wax ka qabtaan iyagoo kaashanaaya kuwii horay u joogay waxayna sifaynayaan jidadka.” ayuu yiri.

Hasayeeshee waxaa ilaa iyo haatan lagu jahwareersanyahay cidda amartay ciidanka laga dajiyey magaalada Baladweyne . Laakiin Yusuf Dabageed ayaa ku adkaysanaya in lasoo kordhiyo halkii la celin lahaa kuwii horay loo keenay.

”anaga ayaa dowladda Soomaaliya ka codsanay, Madaxweynaha Hirshabelle iyo aniga ayaa isla ogaa, waana ay ku mahadsantahay dowladda sida ay oga soo jawaabtay dalabkeena waxaana leenahay noo soo badiya”

Like it? Share it!

Leave A Response