Dagaal beeleed ka qarxay Galgaduud iyo maamulka Galmudug oo War kasoo saaray

by admin | Tuesday, Sep 19, 2023 | 78 views

Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Dhabad iyo Cadaado ayaa maanta ka qarxay deegaanno hoostaga Dhabad, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Maleeshiyaadka dagaalka u dhaxeeya ayaa la sheegay in ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa uuna dagaalkan qarxay xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka dagaal ka dhan ah Al Shabaab ka wadaan qeybo kamid ah Galmudug.

Dhinaca kale kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa baaq nabadeed u diray beelaha Walalaha ah ee ku dagaalamaya inta u dhexaysa Dhabad iyo Cadaado.

“Colaad qabiil waa laga so daalay waxna ma soo kordhinayso xili guud ahaan wadanka Soomaaliya u ka socdo Dagaal ka dhan ah kooxda Khawaarijta Al Shabaab” ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug

Cali Ciid ayaa sheegay in dagaalka kaliyah ee xiligaan Soomaaliya laga ogolyahay uu yahay kan ku wajahan kooxda Al Shabaab , waxa uuna xusay in aan la aqbali karin dagaalo salka ku haya qabiil iyo aanooyin.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug ayaa faray laamaha amniga Galmudug in ay si dag dag ah u kala dhexgalan Maleshiyaadka labada beel ee Walalaha ah ee ku dagaalamaya dhulka miyiga.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa labada beel ugu baqay in ay fuliyaan heshiiskii beelahaan dhawwaan ku dhexmaray Magaalada Dhusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug .

Like it? Share it!

Leave A Response