Wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha CXD oo si wada jir ah furimaha dagaalka uga soo wada muuqday

by admin | Tuesday, Sep 19, 2023 | 108 views

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa  kormeer ugu tagay ciidamada  kumaandooska Gorgor iyo Danab ee ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku boggaadiyey shaqada adag ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in la jooga xilligii dalka laga saari lahaa Al-Shabaab. Sida lagu yiri qoraal kooban ee ka soo baxay warbaahinta dowladda.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa ciidamadaan waxa ay kula dardarmeen in ay sii labo jibaaraan howlahooda shaqo ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe waxaa jiray warar hoosaad oo warbaahinta dalka ay qoreysay kaas oo sheegaya in Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin uu u dhaxeeya khilaaf xooggan.

Tuhunka khilaafka labada mas’uul ee ugu sarreysa Ciidamada Xoogga dalka marka laga reebo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada, ayaa yimid kaddib weerarkii lagu qaaday deegaanka Cowsweyne oo dhaca maamulka Galmudug.

Booqashadaan iyo soo wada muuqshada Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka ayaa meesha ka saaraysa khilaafka ka dhaxeeya labadaan mas’uul, oo xilligaan ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo ah fadhiga ugu weyn dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response