Hadal haynta guuldarada Soomaaliya ee Ciyaaraha Caalamiga ah

by admin | Tuesday, Sep 19, 2023 | 98 views

Guul darro xoog leh ayeey Soomaaliya sanadihii udanbeyeey kala soo kulmaysay fagaarayasha tartanada orodka aduunka  taas oo dadka u leh aqoonta isbedelka ciyaaraha fuduud ay u aaneynayeen tababar la’aan ta dhalinyarada, musuq masuuq, ka dhex jira maamulka bahda ciyaaraha Soomaaliya iyo cimiladda waddamada ay ka qabsoomayaan ciyaarahani oo dhalinyaradani anay u sahlaneyn in ay si fuduud kula qabsadaan.

Arrinta hadalhaynta ugu badan dhalisay waxay ahayd markii Nasra Abuukar Ali oo mataleysay jaamacaha dalka ay guul darro kala kulantay tartankii jaamacadaha ee dhawaan ka dhacay dalka Shiinaha, dadweynaha ayaa guuldaradaas ka sameyeey madadalo iyo falanqeyn aan wanaagsaneyn oo ku saabsan Nasra, waxaase la is weydinaya sababta tartanka Iyo guuldarrada Nasra xoogga loo saaray.

Ciise Aaden Abshir oo ka mid ah khabiirada mudada dheer ku soo jirey ciyaaraha Soomaaliya ayaa xusay in ay sabaab u tahay guul darada soo lalabatay ee dhanka tartanada orodka tababar iyo diyaar garow la,aan qabsata dhalinyarada ka hor inta aysan ka anba bixin Soomaaliya.

‘Soomaaliya tariikho waweyn oo mahadho ah ayeey ku leedahay tartanada orodka weli waxa jira dad badan oo hibo uleh tartanada orodka balse waxay u bahan yihiin tababar dhiirigelin iyo in loo carbiyo sabaabto ah qofna kaligiis ma ordi karo balse Somalia ma ahan nabad sports kuna wuxuu ku kora waa xasilonida si aan caqabadaas uga gudubno waxaan u bahanahay in la garab istaago dhalinyarada hibada uleh ciyaaraha fuduud weliba ganacsatadu ay maalgeliso sida wadamada horumaray’’

Shamsa Mohamed abdi oo ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada muqdisho ee xiiseeya ciyaaraha oo bilan media la hadashay ayaa sheegtay edeynta ay la kulantay nasra ka hor inta anay ka amba bixin gudaha Somalia  ay sabaab u tahay guuldarada ay kala soo kulantay tartankaas sido kale na ay niyad jab ku noqon karto haweenka da,da yare e daneynaya tartanada orodka aduunka in ay ku matalaan Somalia.

‘’gabadhaas ayada oo aan wadanka ka bixin ayaa lagu bilaabay eddeyn iyo xadgudub shaqsiyeed aad Ayaan arintaas uga xumaadey hadaladaas aan wanagsaneyn ee gabadhaas lagula kacay waxay niyad jabineysa haweenka sabaabto ah mar walba oo ay soo guul dareystaan wiilasha waan soo dhaweyna waan dhiirigelina annagana waxaan xaq u leenahay in nala garab istaago nala dhiiri geliyo oo aan nalagu eddeyn guuldarada,,

Shamsa ayaa qabta in Dhaliilaha soo laalabtay ee haweenka hibada u leh ciyaaraha ay kala kulmaan bulshada ayaa sabaab u noqon karta in ay dabar goyso daneynta arimaha la xiriira sports ka ee haweenka haddii anay dowlada faderaalka ah ee Somalia isku xil saarin taageerada iyo tayeeynta haweenka ku jira bahda sports ka Somalia si looga baaqsado in haweenka ay caqabad kala kulmaan noocyada kala duwan ee ciyaaraha dalka

Iqra Cabdulle Guure oo  haweenka ka tageerta sida ay uga baaqsan karaan dhibaatooyiin dhanka baraha bulshada ay kala kulmaan haweenku ayaa sheegtay in dhaliilaha uga imanaya baraha bulshada haweenka ka qeyb galaya tartamada mihiimka ah ay sabaabtay haweenka somaliyeed oo aan ku baraarug saneyn sidii ay isku garab istaagi lahayeen marka ay la kulmaan xadgudub yadan oo kale

‘’haweenku kuma baraarugsana isticmaalka baraha bulshada inta badana waa sabaabta keenta in ay baraha bulshada kala kulmaan tacadiyo shaqsiyeed mid shaqo iyo mid dumarnimo waxa mihiim ah si looga hortago xadgudubyada haweenku ay kala kulmayaan baraha bulshada in la baro lagu dhiiri geliyo sida ay dumar ahaan isku difaaci karaan xaquuq dooda ay u ilaalsan karaan haddii aan xiliyada adag is garab istaagno waxaan soo afjareyna in aan dhib kala kulano baraha bulshada dumar ahaan’’

Iqra ayaa u sheegtay warbaahinta Bilan in ay mihiim u tahay in haweenka lagu carbiyo sidii udifaaci lahayeen xaquuqdooda dumarnimo xilliyada mihiimka ah ee qaranka Somalia ku matalayaan fagaarayasha calamka si loo difaaco in sharafta iyo shaqsiyada gabdhaha soomaaliyeed an lagu xad gudbin.

Ciyaaraha kala duwan ee Soomaaliya ayaa ahaa kuwo caagan ka qeyb galka haweenka wixii ka danbeyeey burburkii dalka sabaabo la xiriira duruufo dhaqan iyo kuwo amni daro oo ku xeyn daabna haweenka hibada u leh ka qeyb galka ciyaaraha dalka.

Balse sanadihii u danbeyeey waxa haweenka dhalinyarada ah ay helayeen fursado dahabi ah oo ay ku matali karaan dalkooda kuwaas oo Somalia ay u soo bandhigayeen qaar ka mid ah wadamada horumaray balse guuldaroyiin is xigxiga oo ay la soo kulmen ayaa sabaabtay in si joogta ah ay dhaliilo iyo kalsooni daro ay ugala kulmaan bulshada iyado lagu liidayo jinsigooda dumarnimo.

Balse dadka xiiseya ciyaaraha qarkood ayaa qaba in guuldaroyiinka soo lalabtay ay sabaab u tahay xalada amni ee dalka musmaasuq iyo tayada ciyaartoyda somaaliyeed oo aan ahayn mid u diyaarsan ka qeyb galka tartanada mihiim ka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response