Dagaal culus oo lagu jabiyay Al-Shabaab oo ka dhacay BAKOOL…

by admin | Sunday, Jan 14, 2024 | 79 views

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada joogay halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarka lagu soo qaaday ayaa sheegay inay iska difaaceen, isla markaana ay jabiyeen xubnihii Al-Shabaab ee soo duulay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan 5 xubnood, ayna gacanta ku dhigeen dhaawac kale, kuwaas oo ay sheegeen inay soo bandhigi doonaan.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalkaasi, waxayna shaacisay in weerar ay ku beegsatay saldhig ku yaalla Waajid, balse ma shaacin inta uu la’egyahay khasaaraha.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgallo ka wada halkaasi.

Waajid ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Shabaab oo todobaadkii hore beegsaday saldhig ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah ATMIS.

Baay iyo Bakool ayaa waxaa dhowaan la filayaa inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response