Masuuliyiin loo haysto musuq oo maanta la horgeeyay maxkamadda

by admin | Sunday, Jan 14, 2024 | 79 views

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyey masuuliyiin loo haysto musuq-maasuq.

Eedaysanayaasha loo haysto musuq-maasuqa ee la horgeeyay ayaa waxay iskugu jiraan saraakiil kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, una fadhiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Saraakiishan ayaa waxa hore xukuno kala duwan ugu soo riday maxkamadda gobolka Banaadir, balse waxaa ka horyimid go’aankaasi xafiiska Xeer ilaalinta oo ka qaatay rafcaan.

Xeer Ilaalinta ayaa markaas ku qancin xukunadda maxkamadda ka gaartay masuuliyiinta dowladeed ee uu horay xafiiska ugu soo eedeeyay xatooyo dadweyne, taasi oo keentay in la isla aado Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horey xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maasuq, kuwaasi oo muddooyinkii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada Muqdisho.

Raggaas oo isugu jiray agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka.

Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa xilligaasi ku dhowaaqay xukunka lagu ridday raggan, ayada oo qaarkood lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyay.

Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriyadooda ayaa waxaa kamid ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashii hore ee wasaaradda shaqada

Like it? Share it!

Leave A Response