Ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo isaga tagay Muqdisho iyo Hirshabelle oo ku faraxsan

by admin | Sunday, Jan 14, 2024 | 52 views

Ciyaartoydii ku mataleysay maamulka Koonfur Galbeed koobka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa saakay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo,,kaddib markii ay fashilmeen dedaalo la doonayay in lagu celiyo.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciyaartoyda ayaa ka carrooday weerarkii dhagxaanta loo adeegsaday ee lagu qaaday baskii ay saarnaayeen ciyaartoyda xilli iyaga oo guul darro loo soo xambaariyay kasoo baxeen garoonka Muqdisho.

Dedaalo ay sameeyeen wasaaradda ciyaaraha , xiriirka kubadda cagta, maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa guul dareestay, waxa ayna diideen maamulka iyo wasaaradda ciyaaraha u qaabilsan Koonfur Galbeed in ay ciyaaraan kulan u harsanaa.

Ciyaartoyda mataleysa maamulka Koonfur Galkbeed waxaa u harsanaa hal kulan oo ay ku qasbanaayeen in ay ka badiyaan ciyaartoyda Hirshabelle, si ay ugu soo baxaan semifiinaalka koobkan ka socda Muqdisho Stadiom.

Dhinaca kal ciyaartoyda Hirshabelle oo iyana rejadooda ku xirneed in ay ka badiyaan Koonfur Galbeed ama bareejo la galaan ayaa meel cidlo ah ka helay hadiyad saddex dhibcood ah, waxa ayna sidaasi ugu gudbi doonaan afar dhammaadka ciyaaraha.

Like it? Share it!

Leave A Response