Maamulka Yaaqshiid oo iska bixin waayay lacag koronto & saamayn ka dhalatay.

by admin | Sunday, Jan 14, 2024 | 59 views

Sida xogaha ay sheegayaan ,  waxa hakad ku jira adeegyada maamulka Degmada Yashqiid ee magalada Muqdisho ka dib markii laga jaray korontadii

Sida warar aan helayno ay sheegayaan maamulka degmada Yaaqshiid  oo bixin waayay qidmada korontada ayaa  sabab u noqotay in la jaro korontada isla markaana adeegyada qaar hakad ay galaan.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda NIRA oo ku tirsan korontada xafiiskaas , tan maamulka Yaaqshiid ayaa sheegay in ay hakiyeen shaqada ka dib markii ay waayeen adeeg koronto.

Lacag dhan shan kun iyo  laba boqol oo doolar ayaa lagu leeyahay maamulka degmada Yaaqshiid dhawr  jeer oo digniina loo jeediyayna waa ay ka dhaga adeegeen taas oo keentay in korontada laga jaro.

Maamulada degmooyinka qaar ayaa sidan oo kale dhawr jeer ay ku dhacday ,  inkastoo markii dambe ay iska bixiyeen qidmada korontada ee lagu yeeshay.

Dowladda Soomaaliya wali ma laha adeeg koronto oo madax banaan  , taasna waxay keentay in xafiisyada qaar laga jarto adeegyada ka dib markii ay iska bixin waayeen qidmada korontada.

Like it? Share it!

Leave A Response