Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo iyo khasaaro ka dhashay

by admin | Sunday, Aug 8, 2021 | 346 views

Dagaalka oo geystay khasaar isugu jira dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Baar-sanguuni oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada ee degaanka bar-sanguuni, waxana dadka degaanka ay sheegeen in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa sheegay inayw eerarkaas ku dileen 8 askari oo uu kujiro Sarkal ay Magaciisa ku sheegeen Yuusuf Aadan, sidoo kale ay kusoo qabsadeen 5 Qoray oo nooca AK47 ah, in kastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Degaanka Bar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada & kuwa Jubbaland oo dhinaca ah, hayeeshee ay barbar socdeen howlgallo ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen degaano u dhow magalada Kismaayo.

Like it? Share it!

Leave A Response