Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo soo gaartay Magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Aug 8, 2021 | 274 views

Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaartay wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Cabdirisaaq & Xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo ay kulamo la yeelan doonto dhiggeeda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna ay wadahadal la yeelan doonto Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal kaayay imaanshaha Magaalada Muiqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo, iyada oo ujeedka rasmiga ilaa iyo hadda Xukuumadda Soomaaliya aysan fah faahin ka bixin.

Like it? Share it!

Leave A Response