Maxay yihiin ciidamada doorashada diidan ee isku urursanaya duleedka Jowhar?{AKHRISO}

by admin | Sunday, Aug 8, 2021 | 295 views

Maaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed yaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib ugu laabtaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu amray in si deg deg ah loo soo gaba-gabeeyo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Socdaalka labadaan mas’uul ayaa sidoo kale ku qotoma xal u helida ciidamo la sheegay in ay diidan yihiin doorashada qaar kamid ah kuraasta xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo isku urursanaya duleedka magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle.

Maleeshiyaadka isku urursanaya duleedka Jowhar ayaa mid ka mid ah waxay ka soo jeedaan beel kamid ah beelaha daga degmada Cadale, kuwaas oo dood ka qaba kursiga uu ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Maaxmed Abuukar Islow Ducaale, halka kuwa kalane lagu sheegay in ay yihiin Maleeshiyo Macawiisleey ah oo dhowaan weerartay Jowhar, weerarkaas oo ay ku dhinteen kaaliyaal katirsan xafiiska Guudlaawe.

Yuusuf Dabageed waxaa Jowhar ugu dambeysay maalmo kadib markii la doortay bishii November ee sanadkii hore, waxa uuna mudadaas sanadka ku dhow uu joogay Beladweyne, taasoo maamulka u ekeysiiyay labada madaxweyne mid kasta uu gobalkiisa ka arrimyo maadaama Cali Guudlaawe uu tagi waayay Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo markii hore xal u la’aa tabashada mid kamid ah beelaha daga gobalka Hiiraan ayaa u muuqda in markale uu wajahaya culeys amni iyo kuwa siyaasadeed oo kaga furmaya Jowhar, kuwaas oo aan la ogeyn saameynta ay ku yeelan karaan doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Guudlaawe waxaa safarkiisa sidoo kale ku wehlin doono guddiga SEIT ee maamulaya doorashada baarlamaanka ee degaanada HirShabeelle, kuwaasoo muddooyinkan ku sugnaa Muqdisho, waxaana la sheegay in qaarkood ay uga sii gudbi doonaan Beladweyne oo sidoo kale ay ka dhici doonto qeyb ka mid ah doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response