Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo & faah faahin laga helayo

by admin | Tuesday, May 11, 2021 | 278 views

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Caracase ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada dowladda oo kasoo ambabaxay degmada Garbahaareey kuna wajahan degmada Beledxaawo ay weerar jidgal ah ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dagaalka Al-Shabaab khasaaro kubgaarsiiyeen, welina ay wadaan howlgal ka dhan ah si loo xaqiijiyo Amniga wadada xiriirisa Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beled-Xaawo ee Gobolkaasi Gedo.

Dadka degaanka Caracase ayaa waxaa ay sheegeen inay dareemeen cabsi weyn maadaama dushooda lagu dagaalamay, waxaana degaanka ku sugan Ciidamada dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beled-Xaawo ee Gobolkaasi Gedo ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response