Maamulka Gobolka Mudug oo soo saaray Go’aano la xiriira Maalmaha Ciida

by admin | Tuesday, May 11, 2021 | 303 views

Guddoomiya Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Maanta Shir Gudoomiyay Shirka Amniga Gobalka Mudug.

Shirka oo isbuucle ah ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolada Mudug iyo Cayn iyo Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Ee Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa faray Bulshada Gaalkacyo inay Goobaha Salaada Ciida lagu dukanayo u soo qataan Saliga Salaada iyo waxyaabo kale oo looga hortagayo COVID-19.

Waxaa uu hadalkiisa intaas ku daray in laamaha Amniga Gobolka Mudug ay dar dar v3lin doonaan howlaha sugida Amniga, isla markaana Bulshada looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response