Dagaal ka socda degaan katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

by admin | Sunday, Dec 4, 2022 | 281 views

Wararka naga soo gaaraya degaanka Juxay oo u dhow degaanka Guulane ee edgmada Aadan yabaal Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka oo garab ka helayo diyaaradaha dagaalka ayaa weerar Cirka iyo dhulka ah ku qaaday degaanka Juxay oo in kabadan 20Km u jira degaanka Guulane oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal.

Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, waxaana saraakiil Ciidan ay sheegeen in ay xubno badan dagaalka uga dileen Al-Shabaab.

Al shabaab ayaa shalay isaga baxay degmada Aadan Yabaal, isla markaana meelo kamid ah degaanka ay galeen Ciidamada is garabsanaya ee dowladda iyo kuwa degaanka ee hubka qaatay.

Like it? Share it!

Leave A Response