Darawal Soomaali ah oo ku dhintay Shil ka dhacay Mareykanka

by admin | Wednesday, Oct 6, 2021 | 222 views

Darawalka Soomaaliga ah oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Jaamac ayaa ku dhintay Shil gaari oo uu ku galay wadada weyn ee 94-ta ee magaaladda Chicago, gobolka Illinois ee dalka Mareykanka.

Warbaahinta ayaa tebisay in Darawalka Soomaaliga ah uu gaariga la rogmaday, balse ay socdaan baaritaano ay wadaan Booliska Magaalada Chicago.

Darawalka Soomaaliga ah ee Shilka ku dhintay ayaa waday baabuurta waaweyn ee loo yaqaano (truck) ee u kala goosha magaalooyinka iyo goboladda dalka Mareykanka.

Wadada uu shilka ka dhacay ayaa ah midda ugu dhimashadda waana wado goboladda dalka Mareykanka looga kala goosho oo dhex marta magaalooyin waaweyn, isla markaana dhowr heer ay ka dhaceen shilal gaari.

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay walaac ka muujiyren shilalka Gaari ee soo laab laabta, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdaan dad Soomaali ah.

Like it? Share it!

Leave A Response