Dawlada Somaliya Oo Soo Dhaweysay War Murtiyeedka G7 Ee Laga Soo Saaray Is Afgaradka Itoobiya Iyo Somaliland.

by admin | Saturday, Apr 20, 2024 | 19 views

Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhawaysay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee G7 ee ka dhacay dalka Talyaaniga, kaas oo lagu muujiyay walaaca ku saabsan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa January 2024.

War-murtiyeedku wuxuu dhiirigelinayaa labada dhinac ee Itoobiya iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay sii wadaan wada-hadallada furan si looga hortago in ay sii xumaadaan, iyada oo lagu boorinayo in ay la shaqeeyaan saaxiibada gobolka ee qaab-dhismeedka Midowga Afrika iyo in ay yeeshaan xiriirro laba geesood ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da madax-bannaanida. iyo midnimada dhuleed ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay.

Intii uu socday shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee G7 ee ka dhacay magaalada Capri ee dalka Talyaaniga, kaasoo socday intii u dhaxaysay 16-kii ilaa 19-kii April, wasiirradu waxay sidoo kale xaqiijiyeen inay ka go’an tahay horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayay ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo ammaanka gobolka, waxayna muujisay sida ay u doonayso inay sare u qaaddo wada-shaqeynta G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada waarta ee Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku cel-celisay in wada-hadallada lala yeelanayo Itoobiya la gaari karo oo keliya marka ay Itoobiya ka noqoto heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujiso ixtiraam buuxa oo ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo mabda’a ah in aan la faragelin Soomaaliya.

Horaantii bishan, Soomaaliya ayaa eriday safiirkii Itoobiya, iyadoo ay sare u kacday xiisadda ka dhalatay muranka heshiiska dekedda ee maamulka la baxay Somaliland.

Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis is afgarad ah 1-dii January ku heshiisay in 20km (12 mayl) oo xeebta ah ee Somaliland laga kireeyo. Heshiiskan ayaa dhigaya in xeebaha ku xeeran dekedda Berbera ee gacanka cadmeed ay Itoobiya u isticmaali doonto muddo 50 sano ah arrimo ciidan iyo ganacsi.

Like it? Share it!

Leave A Response