Deg deg : Garsoorka Gobolka Hiiraan oo ka hor yimid go’aankii lagu kala diray Garsoorkii Hirshabeelle

by admin | Thursday, Aug 9, 2018 | 1366 views

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Hiiraan Ibraahim Xasan Cabdulle ayaa ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii ay Baarlamaanka Hirshabeelle ku kala direen garsoorka maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Hirshabeelle aysan awood u lahayn inay kala diraan Garsoorka islamarkaana uusan sax ahayn go’aankii Baarlamaanka ay qaateen.

Waxa uu tilmaamay in Wasiirka Wasaarada Cadaalada Hirshabeelle uu arrintan ka dambeeyo sida uu sheegayna ay jiraan khilaaf u dhaxeeya Xubnaha Garsoorka ka shaqeeya iyo Wasiirka Cadaalada.

Waxa uu xusay in ay shaqadooda sii wadanayaan, sidoo kalena aysan aqbali doonin go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka Hirshabeelle.

“Wax ka jira ma lahan, iyaga ayaa laga rabaa inay cadeeyaan meesha ay u fasaxeen, waan u sheegnay Madaxweynaha iyo xu-xigeenkiisa, Wasiiirka Cadaladda isaga ayaa ka dambeeya arrintan, nidaamka ay u mareen arrintan way ku qaldan yihiin”. Ayuu yiri Gudoomiye Ibraahim.

Lixdii bishan August ayay ahayd markii Baarlamaanka Hirshabeelle uu kala diray Garsoorka maamulka Hirshabeelle kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response