Deg deg : Qarax Ka Dhacay Degmada Buulo Burde ee gobola hiiraan.

by admin | Tuesday, Jul 31, 2018 | 954 views

Qarax jugtiisa si weyn loo maqlay ayaa maanta waxa uu ka dhacay degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan, sida ay inoo sheegeen saraakiisha Hay’adaha ammaanka gobolkaasi.

Qaraxan ayaa waxa uu si gaar uga dhacay meel ku dhaw garoonka diyaaradaha degmada Buulo Burde, halka uu qaraxa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn waxaa bar kontorool ku leh ciidanka dowladda iyo kuwa Jabuuti.

Guddoomiyaha degmada Buula Burde Cabdi Daahir oo la hadlay  warbaahinta  ayaa waxa uu sheegay in agagaarka garoonka diyaaraha ciidamada ay ku arkeen waxyaabaha qarxa oo halkaasi lagu aasay, intaasi kadibna ciidamada ay qarxiyeen, islamarkaana aanay jirin khasaare qaraxan ka dhashay.

Wuxuu sheegay ciidamada aagga Miinada lagu aasay inay ka sameeyeen baaritaan la xiriira sidii looga daba tagi lahaa ragga qaraxan aasay ee loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

“Buula Burde wax ka dhacay oo dhibaato ah ma jiraan, meel garoonka diyaradaha ku dhaw ayaa lagu arkay waxyaabaha qarxa, ciidamada Soomaalida iyo kuwa Jabuuti ayaa ka hawlgalay miinada ayay qarxiyeen, wax khasaare ahna kama dhalan, qaraxa kama dhicin garoonka gudihiisa”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Daahir.

Degmada Buula Burde oo ay ku sugan yihiin ciidamo Soomaali iyo kuwa Jabuuti isugu jira dhawr mar oo hore waxaa halkaasi lagula eegtay qaraxyo khasaare dhaliyay oo Shabaab ay ka dambeeyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response