DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Friday, Aug 17, 2018 | 820 views

Jug xoogan ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay  warbaahinta  u sheegeen qaraxan in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay, uuna ka dhacay aagga wadada
Taleex.

Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay qaraxan inay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay isbitaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaao.

Like it? Share it!

Leave A Response