Deg deg: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, Aug 23, 2018 | 975 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, qarax Miino oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka tirsan magaalada ayaa halkaasi ka dhacay.

Qaraxan oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa dhacay waxyar kadib markii ay halkaasi mareen kolonyo gaadiid ah oo galbinayay Wasiir ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

C/laahi Colaad Rooble Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka yimid xarunta Wasaaradda oo maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Gen. Gorod iyo Taliyaha cusub Daahir Indha qarshe.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxan inaanay jirin waxyeelo ka soo gartay Wasiirka iyo xubnaha la socday, balse uu ku dhintay qof shacab ah oo halkaasi marayay.

Ciidamada dowladda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan ka dambeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response