Deg deg: Shabaab oo weeraray Baar-sanguuni

by admin | Monday, Jul 23, 2018 | 975 views

Xoogag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa saakay waabarigii waxa ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen degaanka Baar-sanguuni oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaasi oo bar ciidan ay ku leeyihiin ciidan isku jir ah oo dowladda federaalka iyo Jubbaland ka kala tirsan.

Shabaabka Idaacadda warka u faafisa ayaa waxa ay sheegtay in Baar-sanguuni lagu qaaday weerar lagu daah-furay qarax jugtiisa si weyn loo maqlay, intaasi kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

Shabaab waxay kaloo sheegeen dagaalka kadib inay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Baar-sanguuni, kadib markii ay tilmaameen ciidankii halkaasi joogay qaarkood inay dileen halka qaar kalena ay u baxsadeen dhanka degaanka Buulo-guduud.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu beeniyay warka Shabaab ee ah inay la wareegeen degaanka, wuxuuna tilmaamay inay ku guul dareysteen dagaalka, oo ay dib u laabteen.

Wuxuu sheegay inuu jiro khasaare labada dhinac ah balse hada aanan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah, wuxuuna intaas raaciyay inay gacanta ku hayaan fariisiinka uu dagaalka ka dhacay.

“Baar-sanguuni saakay waxaa soo weeraray nimankii Argagixisada ahaa, weerarka way ku guul dareysteen, dagaalka waa looga awood roonaaday, waxba kama jiraan lama wareegin degaanka, khasaare labada dhinac ah ayaa jira, degaanka ciidanka ayaa ku sugan.” Ayuu yiri sarkaalkan.

Shabaab ayaa inta badan waxa ay weerarada qaadaan aroortii hore, xerada Baar-sanguuni bishii June ee sanadkan ayaa weerar Shabaab ay ku qaadeen waxa ay ku dileen askari Mareykan ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response