Deg deg: Toogasho caawa ka dhacday Muqdisho

by admin | Monday, Aug 20, 2018 | 1174 views

Koox hubeysan ayaa maqribnimadii caawa waxa ay xaafada Baar Ha’idhafin qeybta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, sida ay inoo sheegeen Hay’adaha ammaanka.

Warkan waxaa warbaahinta  u xaqiijiyay Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Waaberi, wuxuuna tilmaamay in lagu daba jiro dableyda dilka geysatay oo baxsatay.

Dad ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay inoo sheegeen laba dhalinyaro ah inay ka soo degeen Mooto Bajaaj, kadibna ay toogteen wiilkan, islamarkaana mid kale ay eryadeen balse uu baxsaday.

Dableyda ayaa halkaasi ku dilay wiilkan oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Barre (Buufow), rasaastii lagu furayna uu ku dhaawacmay qof kale, kadibna goobta ayay ka baxsadeen kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka.

Ehelada Marxuumka la dilay ayaa waxa ay u sheegeen   dhankooda  warbaahinta in wiilkooda uusan wax lug ah ku laheyn arrimo siyaasadeed, keliya uu ka shaqeynayay goob timaha lagu jaro oo ku taalla Baar Ha’idhaafin.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaanada la xiriira dilkan iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dableyda dilka geysatay.

Maanta oo ugu dambeysay degmada Wadajir iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho waxaa lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, waxaana dilalkaas fuliyay kooxo hubeysan.

Like it? Share it!

Leave A Response